Ciidamadda Calool u Shaqeystayaasha ee Wagner-ka oo Ku Dhawaaqeen in ay isaga baxayaan Magaaladda Bakhmut

0
41

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Bakhmut ee dalka Ukraine.

Yevgeny Prigozhin ayaa wacad ku maray in uu maamulka magaalada ku wareejin doono ciidamada Ruushka marka la gaaro 1da bisha June, balse Kyiv ayaa sheegtay in ay wali gacanta ku hayso jeebabka magaalada.

Waxa uu sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay soo laabtaan haddii ciidamada caadiga ah ee Ruushka ay caddeeyaan inay maareyn waayeen xaaladda.

Dagaalka magaalada ayaa ahaa kii ugu dheeraa uguna dhiiga badnaa.

Calooshood u shaqeystayaasha Wagner ayaa hogaaminayay dagaalka ka socda dhanka Ruushka, waxaana Mr Prigozhin uu todobaadkan sheegay in 20,000 oo ka mid ah dagaalyahanadooda ay ku dhinteen Bakhmut.

“Waxaan maanta kala baxaynaa cutubyo ka tirsan Bakhmut,” ayuu Mr Prigozhin ku yiri muuqaal laga sii daayay Telegram-ka magaalada la burburiyay.

Mr Prigozhin  oo ku dhawaaqay qabsashada magaalada Sabtidii – ayaa la arkayay isagoo u sheegaya raggiisa inay u daayaan rasaasta ciidamada Ruushka. Waxa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah dagaalyahanada Wagner ay sii joogi doonaan si ay u caawiyaan ciidamada Ruushka.

“Waqtigan ay ciidamadu ku jiraan xaalad adag, way kici doonaan,” ayuu yidhi, ka hor inta uusan uga digin laba dagaalyahan inay “cajab-geliyaan militariga”.

Hogaamiyaha Wagner ayaa marar badan bartilmaameedsaday saraakiisha ugu sareysa militariga Ruushka, isagoo ku dhaleeceeyay meel fagaare ah inaysan taageerin ciidamadiisa. Bishii hore, xitaa wuxuu ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala bixi doono magaalada haddii aan la siinin saanad ay baahi weyn u qabaan.

Inkastoo Wagner uu sheegay in uu wareejinayo Bakhmut, Ukraine ma aysan aqbalin in magaalada ay dhacday.

Wasiir ku xigeenka Difaaca Ukraine, Hanna Maliar, ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamadooda ay weli gacanta ku hayaan qayb ka mid ah degmada Litak ee ku taal Koonfur-galbeed ee magaalada.

“Cadowgu waxa ay ku beddeleen cutubyo ka tirsan Wagner ee xaafadaha iyaga oo wata ciidamo caadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here