Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu gudoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlayaa Xaaladda Amniga Dalka gaar ahaan wajiga labaad ee Howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab Dhameystirka Arrimaha Deyn cafinta iyo Dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.