Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar waxa uu kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Kanada Mr. Harjit Sajjan iyo Masuuliyiintii la socotay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Arrimaha Deyn-Cafinta. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbadalka cimilada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xoogan ku yeeshay