Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowso Cismaan Cigaal ayaa la kulantay Ra’iisul wasaaraha Dalka Malaysia, Anwar Ibrahim, iyadoo la wadaagtay horumarrada Soomaaliya , gaar ahaan dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Wasiir Fardowsa, ayaa Malaysia uga qaybgashay bandhigga LIMA23 oo ay martigeliso Dawladda Malaysia , waana markii u horreysay oo bandhigan ay ka qeybgalayso Soomaaliya.