Maamulka Gobalka Banaadir oo ka hadlay Mooto Bajaajta ka howgasha Gobalka Banaadir

0
31

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray ku Wargeliyay Milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyo shacabka Soomaaliyeed in la soo gebagabeeyay midabeynta iyo diiwaan galinta Mooto Bajaajta gobolka, isla markaana uu dhaqan galayo amarkii maamulka laga bilaabo Maalinta Barri oo bishu tahay 25-5-2023.

Maamulka ayaa sheegay in barri ay Muqdisho ka shaqeyneyso Mootada A ee Color ka jaalaha oo kaliya, halka barri dambe ay shaqeyneyso mootada B ee Color Buluugta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here