Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Markii ugu horraysay ka hadlay Doorashadda Golayaasha ee Maamulka Puntland laguna wado Berri Khamiis ah kuna began 25-ka May 2023-ka kana dhacayso Deegaanadda Hoostaga Maamuka Puntland
Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku bogaadiyey Madaxda Puntland iyo dadka codkooda dhiibanaya, wuxuuna kusifeeyey talaabo wanaagsan.
“Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda” ayuu yiri Farmaajo
Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay hamuun weyn u qabaan in ay doortaan madaxdooda oo ay tahay, arrintaas oo horey dawladdiisii dadaal ugu bixisay, ayna tahay hadda in ay gaaraan dhammaan dawlad gobaleedyada ilaa Federaalka Soomaaliya.
“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Si kastaba, hadalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii xal laga gaaray murankii doorashada golayaasha oo gacan ka hadal uu ka dhashay, waxaana xal ka gaaray kiiskaasi Odayaasha dhaqanka ee magaalada Garoowe.