Xukun Maanta lagu riday Askar ka dambeeysay weerarkii Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid

0
43

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday askartii ka dambeysay weerarkii isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho lagula beegsaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleymaan Maxamuud fargax 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray, askar kamid aheyd ilaalada Guddoomiyaha degmada yaaqshiid oo isna dhaawacmay iyo dad Shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa.

 

Askariga Koowaad oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isaga oo loo heysto in uu Qoray dhashiiko ah ku dilay lix Ruux oo ay kamid ahaayeen Ilhaan Cabdijamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh, cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajta.

Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, iyaga  is dhiibay, waxaana  lagu xukumay dil toogasho ah.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale min Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Ammar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here