Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay safar ku aaday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, safarkaan ayaa ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, waana safarkii afaraad oo Madaxweynuhu ku tago dalkaas muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo.
Safarkan uu saakay ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan oo ahaa mid aan qorsheysneyn uu ka yimid dhinaca Imaaraatka Carabta, iyadoo xogaha qaar ay sheegayaan in dowladaasi ay ka carooday socdaalkii madaxweyne Xasan ee dalka Qatar.
Imaaraatka ayaa la sheegay ineysan bixin qarashaad badan oo ay u balnqaaday dowladda, waxeyna arrintaasi soo dadjaisay in xukuumada Muqdisho ay u qeyla dhaansato wadanka yar balse hodanka ah ee Qatar oo ay ishayaan Imaaraatka Carabta.
Lama oga waxa uu madaxweynaha kala kulmi doono dowladaasi oo saameynteeda wadanka dib usoo laabtay wixii ka danbeeyay isbedelkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022, xiligaas oo xukunka la dhaafiyay madaxweynihii hore Farmaajo