Madaxweynaha Tanzaaniya oo Hambalyo u dirtay Shacabka Kenya

0
142

Madaxweynaha Tanzania, Haweeneyda Samia Suluhu, ayaa shacabka Kenya u dirtay hambalyadeeda wanaagsan, xilli ay u codeynayaan doorashada guud.
“Waxaan u rajaynayaa dariskayaga Kenya doorasho wanaagsan. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu idinla garab galo sidii aad u gudan lahayd xuquuqdiina dastuuriga ah ee aad ku heli lahaydeen madaxda aad doonaysaan,” ayay ku tidhi barteeda twitter-ka.
Waxay Kenyanka ka codsatay inay “ilaajiyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka” waxayna ku dartay “wax walba oo wanaagsan”.
Waddamada deriska la ah Kenya ee Bariga Afrika ayaa ku xisaabtami doona doorasho hufan si ay uga fogaadaan carqaladaynta dhaqaalaha gobolka – iyadoo Kenya ay tahay marin muhiim ah oo isku xidha Uganda, Rwanda, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007 ka dib ayaa hakad galiyay isu socodkii badeecadaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here