Madaxweyne Xasan Skiikh oo Xil u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0
264

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan in uu mutawacnimo uu shaqaddaan u qaban doono, maadaama uu yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir wuxuu kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda doorashaddii dhacdey 15-kii May.

Qaybo ka mid ah Soomaaliya waxaa haatan ka jira abaaro saameeyay dad iyo duunyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here