Askari Ruush ah oo Xabsi daa’in lagu xukumay sababo la xiriira dambi dagaal

0
249

Maxkamad ku taal dalka Ukrain ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday taliyihii taangiyada Ruushka oo lagu eedeeyay in uu qof rayid ah ku dilay dacwaddii ugu horreysay ee dambiyo dagaal tan iyo markii la weeraray.

Askariga la qabtay ayaa lagu Magacaabaa Sgt Vadim Shishimarin waxaana lagu helay danbi ah inuu Oleksandr Shelipov, 62 jir ah ku dilay tuulada Chupakhivka ee waqooyi bari Bishii Febraayo 28-kii.

Waxa uu qirtay in uu toogtay Mr Shelipov balse sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku dhaqmayay amarro uuna cafis weydiistay xaaskii uu ka dhintay. Dembiyo dagaal oo badan oo kale ayaa waxaa baaraya Ukraine.

Moscow ayaa beenisay in ciidamadeeda ay beegsadeen dad rayid ah intii lagu guda jiray duulaanka halka Ukraine ay sheegtay in laga yaabo in ay dhaceen in ka badan 11,000 oo dambi.

Maxkamadeyntan oo ka dhacday caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa loo arkaa fursad ay Ukraine ku caddeyso, shaki la’aan, in askari Ruush ah uu dilay qof rayid ah iyadoon tixgelineynin xeerarka dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here