Diyaarad lala xiriirinayo inuu saaran yahay Milkiilaha Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea iyo oligarch Ruush Roman Abramovich ay ka degtay Moscow, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in uu ku safray Garoonka Caalamiga ah ee Ben Gurion ee Dalkaasi Israa’iil, waxaana hadda halkaasi ka muuqda sawirradiisa.
Abramovich ayay Dowladda Ingiriiska cunaqabatayn ku soo rogtay Todobaadkii hore Xiriirkii uu la lahaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Iyadoo Midowga Yurubna ay ku raacday. Milkiilaha Naadiga Chelsea Abramovich ayaa waxa uu beeniyay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Dalkaasi Ruushka Mr Putin.