FIFA oo ka hakisay Ruushka iyadoo IOC ay ku baaqday in ciyaaraha laga joojiyo

0
505

Xiriirka Kubbada Cagta Adduunka ee FIFA ayaa lagu wadaa inay shaqada ka joojiyaan Dowladda Ruushka ilaa amar dambe, iyadoo Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada Adduunka (IOC) ay ku talinayaan in Ciyaartoyda iyo Masuuliyiinta Dalalka Ruushka iyo Belarusiyaanka laga mamnuuco Ciyaaraha Caalamiga ah ee habaysan.

Ganaaxa FIFA  ayaa la macno ah in Ruuska laga saarayo Is reeb reebka Koobka Aduunka ee Raga bisha March.

IOC waxay ku boorisay Hay’adaha Maamula Ciyaaraha inaysan u ogolaan ciyaartoyda Ruushka iyo Belarusiyaanka inay tartamaan sababtoo ah “jebinta Olombikada ” ee Dawladaha wadamadaas.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Ruushka uu taageero ka helayo Dalkaasi Belarusia uu duulaan militari ku qaaday dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine Khamiistii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here