DEG DEG:- Xiriiradda FIFA Iyo Uefa oo Dhammaantood Ganaaxay Kooxaha Iyo Xulka Ruushka

0
469

Xiriirka Kubbada Cagta Adduunka ee FIFA iyo Xiriirka Yurub ee Uefa ayaa dhamaan ka ganaaxay kooxaha iyo Xulalka Ruushka Tartamada oo dhan.

Talaabadan ayaa timid kadib markii Guddiga Caalamiga ah ee Olimbikada aduunka ee IOC ay ku taliyeen in ciyaartooyda Ruushka iyo Belarusiyaanka laga mamnuuco tartamada caalamiga ah ee abaabulan.

Waxa ay la macno tahay in kooxda ragga ee Ruushka aysan ciyaari doonin ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka bisha soo socota, waxaana kooxda haweenka laga mamnuucay xagaagan Koobka Qaramada Yurub.

Spartak Moscow ayaa sidoo kale laga saaray tartanka Europe League, halka Uefa ay soo gabagabeysay ka faalaqaadkii ay siin jirtay shirkadda tamarta ee Ruushka laga leeyahay ee Gazprom.

“Kubadda cagtu si buuxda ayay halkan uga midaysan tahay, waxaanay si buuxda ula garab taagan tahay dhammaan dadka ay saamaysay Ukraine,” Fifa iyo Uefa ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku yidhi.

“Labada madaxweyne waxay rajeynayaan in xaaladda Ukraine ay si weyn oo degdeg ah u soo fiicnaan doonto si ay kubbadda cagtu mar kale u noqoto mid horseed u ah midnimada iyo nabadda dadka dhexdooda.”

Fifa iyo Uefa ayaa go’aan ku gaaray inay qaadaan tillaabo kadib markii Ruushka oo taageero ka helaya Belarus uu duulaan militari ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Ukraine khamiistii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here