Milkiilaha Naadiga Chelsea Roman Abramovich ayaa sheegay in uu is Casilay ka dib Markii Dowladda Ruushku Duulaan ku qaaday Dalka Ukraine, Milkiilaha Naadiga Chelsea Roman Abramovich ayaa intaa ku daray in uu “siinayo Wakiillada Hay’adda Samafalka ee Naadiga Chelsea maamulida iyo daryeelka” kooxda Chelsea.
Abramovich, oo sii ahaan doona milkiilaha kooxda, ayaa tallaabadan qaaday xilli Ruushka uu duulaan ku qaaday Ukraine.
Go’aanka ayaa sidoo kale imaanaya Iyadoo Caawa ay dhici doonta Carabao Cup ee Dhexmari doonta Chelsea Iyo Liverpool kana dhici doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Wembley.
“Mar walba waxaan qaadan jiray go’aano ay kooxdu ku jirto qalbiga,” Abramovich ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
“Waan ka go’anahay qiyamkan. Taasi waa sababta aan maanta u siinayo wakiilo ka tirsan hay’adda samafalka Chelsea ilaalinta iyo daryeelka Chelsea FC.
“Waxaan aaminsanahay inay hadda ku sugan yihiin booska ugu fiican si ay u eegaan danaha kooxda, Ciyaartoyda, Shaqaalaha, iyo Taageerayaasha.”
Hadalkiisu ma tixraacin duulaanka Ruushku ku qaaday Dalka Ukraine.