Xiriirka Kubbada Cagta ee UEFA oo Xili Ciyaareedka Finalka Champions Leaque-ga la soo Raray Dalka Ruushka

0
459

Xiriirka Kubbada Cagta Qaaradd Yurub ee UEFA ayaa xili ciyaareedkan finalka Champions Leaque-ga ka soo guuray magaalada St Petersburg ee Dalka Ruushka, waxayna u soo guureen Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska kadib markii uu Dowladda Ruushka uu duulaan ku qaaday Dalka Ukraine.

Iyaga oo ka jawaabaya weeraradii ugu weynaa ee militari, wadamo badan ayaa cunaqabatayn kala duwan ku soo rogeen Dalka Ruushka iyo Madaxweyne Vladimir Putin.

Waxayna Xiriirka Kubbada Cagta Qaaradd Yurub ee UEFA go’aansatay inaysan jirin qaab bandhig faneedka kubbadda cagta Qaaradda Yurub lagu soo bandhigi karo Ciidda Ruushka 28-ka May xilli uu Xiriirka Kubbada Cagta Qaaradd Yurub Shir Deg-Deg ah  ay yeesheen Saakay oo Jimco aheyd.

Munaasabadda ayaa hadda lagu qaban doonaa garoonka Stade de France, oo laba jeer Martigeliyay Finalka Champions League.

Garoonkan oo qaada 81,000 oo qof ayaa sidoo kale ahayd goobtii ugu sarraysay ee Euro 2016 iyo koobkii adduunka ee 1998-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here