Hogaamiyaha cusub oo jeediyay khudbadii ugu horeysay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore

0
92

Hogaamiyaha cusub ee militariga Burkina Faso ayaa ballan qaaday inuu ku soo Celin doono nidaamka caadiga ah ee dastuuriga ah “marka shuruudaha ay saxan yihiin”.

Gaashaanle Dhexe Paul-Henri Damiba ayaa hogaaminayay kacdoonkii xilka kaga tuuray madaxwaynihii Roch Kaboré Isniintii.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku guuldareystay inuu xakameeyo rabshadaha ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Gaashaanle Dhexe Damiba oo xidhan birta cas iyo daalka ciidanka, ayaa Khamiistii markii ugu horeysay shacabka kala hadlay TV-ga qaranka tan iyo markii uu xukunka la wareegay.

“Marka ay xaaladdu hagaagto, iyadoo la raacayo waqtiga kama dambaysta ah ee ay dadkeennu ku qeexi doonaan dhammaan dawladnimada, waxaan ballan qaadayaa inaan ku soo laabanayo nidaamkii dastuuriga ahaa ee caadiga ahaa,” ayuu yiri.

Gaashaanle Dhexe Damiba, oo 41 Sanno jir ah, ayaa sheegay in uu la kulmi doono wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada si ay ugu heshiiyaan qorshaha dib u habeynta.

Waxa uu intaa ku daray in Burkina Faso ay u baahan tahay saaxiibo caalami ah “si ka badan sidii hore”, ka dib markii la cambaareeyay afgambiga.

“Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa inay dalkeena taageeraan si uu dhibaatada uga baxo sida ugu dhaqsaha badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here