R/W;Rooble oo Maanta qaabilay Wafdi ka socday Dalka Sweden

0
52

 

 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fawsiyo Abikar Nur, Agaasimaha Machadka Caafimadka Qaran ee Soomaaliya iyo wafdi ka koobnaa safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagay Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siisyay wadashaqeynta labada hay’adood iyo qorshahooda ku aadan  dib u dhisidda hanaan adag oo lagu xoojinayo qaabka laso cashada cudurada faafa iyo sida looga hortagi karo xaaladaha degdega ah.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Isbitaalka DeMartino, iyo Xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka iyagoo ugu danbeytii booqday goobta loo asteeyay in loo dhagax dhigo Machadka Caafimadka Qaran ee Soomaaliya.

Khubarada ka socotay Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden ayaa shirar kala duwan la qaatay qeybo ka mid ah xafiisyada Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka socotay Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here