Farmaajo oo Madaxtooyada Ku qaabilay Carruurta Eng Saalixi

0
360

 

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii aan ka gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna.

Faysal Maxamed  Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey maamuska uu u sameeyey, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dacwadda Baddeenna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in halyey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay Baal dahab ah wadaniyad, dal jacayl iyo ilaalinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here