Nin Ganacsade ah oo caawa lagu diley Magaalada Baladweyne

0
59

 

 

 

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ganacsade lagu magacaabi jirey Cumar Yuusuf Cali Ducaale lagu diley caawa xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Dilka ganacsadaha ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo markiiba goobta isaga baxsaday lamana oga waxa uu salka ku hayo dilka ganacsadaha loogu geestay Baledweyne.

Dilalka loo geysto dadka muhiimka ah ayaa ku soo badanaya magaalada Beledweyne iyadoo dhawaan lagu diley guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Hiiraan ee la xiriira dilkan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here