Garoonka Cayaaraha kubadda Kolleyga Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO;

0
383

 

 

 

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa oo maanta kormeeray Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhisayo qeybta Kubadda Kolleyga Garoonka oo ay ka muuqato bur bur lixaadleh oo ka soo gaaray colaadihii dalka ka dhacay.

Kormeerka Wasiirka Cayaaraha oo ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda Xiriirada kala duwan ee isboortiga, kuwaasi oo soo indha indheeyay qeybta kubadda kollayga ee Tuulada Cayaaraha Dalka.

Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha kubadda Kollayga Cabdullaahi Nuur Cadaani ayaa sheegay in xiriirkooda uu diyaar u yahay dib u dhiska garoonka, ayna ku qaban doonaan tartamo isboorti.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan iyo Saciid Qoorsheel Wasiir hore, isla markaana qeyb ka ah bahda isboortiga ayaa si wada jir u tilmaamay in garoonku uu u baahanyahay in laga wada qeyb qaato dhismahiisa.

La taliyaha Madaxweynaha Dalka ee arrimaha cayaaraha Maxamed Xuseen Haaddi  oo si kooban uga sheekeeyay taariikhda Tuulada Cayaaraha ayaa sheegay

“Garoonkan ama Tuulada Cayaaraha qorshaheeda waxaan bilownay 1976-dii, shirkii guddiga Olombiyada ee Riyaad lagu qabtay, taasi oo si geesinimo leh aan ku ogolaanay, markii la yiri, Yaa qabanayo cayaaraha Olombikada ee Jaamacadda Carabta?, baannu niri anaga ayaan qabaneyno haddii xoogaa dhaqaale nalagu caawinayo oo geesinimo ah, tiina waxa ay keentay in 21 dowladood oo Jaamacadda Carabta ah inay soo ogolaadaan inay ka soo qeyb galaan, waana tiradii ugu badneyd ee timaada dalka”. Ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dib u dhiska garoonka, gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga.

“Waa meeshii ugu horeysay ee ay bilad dahab ku qaadatay Soomaaliya, garoonka waa la dhisi doonaa, waxaana ku dhiseynaa barnaamijka Isxilqaan, Wadankan Isxilqaan ayaa lagu dhisay gacan shisheeye laguma dhisin, anagana kan Wasaarad ahaan arrintaas ayaan ka shaqeyneynaa”. Ayuu yiri Wasiirka Cayaaraha Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here