Wasiirka cadaaladda oo digniin u diray dadka lacagaha dhaqo

0
49

 

 

 

Wasiirka cadaaladda Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay Qatar ka dhalan karta lacagaha la dhaqo, isagoona sheegay in ay danbi tahay arrintaas cidii lagu qabtaana laga qaadi doonno talaabo sharci ah.

Wasiirka cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ugu digay shacabka Soomaaliyeed cawaaqibta ka dhalan karta lacagaha la dhaqo ee dalka la soo galiyo.

“ Cid walba oo lacag isticmaasha ama keydisa ama dadka u kala gudbisa waxaa waajib ku ah lacagta ay guddbineyso meeshii ay ka timid in la yaqaano, meeshii ay u socotana la yaqaano wixii intaa ka baxsana qofkii lagu helo wuxuu muteysanayaa ciqaab ” ayuu yiri Wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here