Madaxweyne Gudlaawe oo Maamulka Gobolka Sh/dhexe kala hadlay Amniga

0
67

 

 

 

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen oo weli ku sugan degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi waxaa uu kulan kula qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Cadalle.

madaxweynaha ayaa kulankaan uga mahadceliyay Maamulka iyo bulshada Degmada Cadalle soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Sidoo kale waxaa uu kala hadlay sidii loo daradar gelin lahaa howlaha sugida Amniga iyo sidii looga Shaqeyn lahaa horumarinta deegaannada & degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa waxa la filayaa in kulamada uu ka wado degmada Cadalle uu sii joogteeyo, isla markaana uu la kulmo saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here