Guddoomiye Macalimuu Cabdullaahi Kulane “Dhibaatooyinkii uu ka geystay gobolka Gedo aniga waxaan qabaa in maxkamad lagu saaro

0
53

 

 

 

 

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu oo maanta shir jaraa’d ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu shaley xilka kaga qaaday madaxii Shaqaalaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya iyo taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Aadan Cadde.

Wuxuu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha tallaabada uu xilka kaga qaaday saraakiishaas.

“Waxaan baaq u dirnay Ra’iisul Wasaaraha, xaqiiqdii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kasoo jawaabay si deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha qaranka aad buu u mahadsan yahay” ayuu yiri Macalimuu.

Guddoomiyihii ee hore ee Gedo ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay madaxii hay’adda NISA ee Soomaaliya Cabdullaahi Aadan Kulane, wuxuuna yiri, “Dhibaatooyinkii gobolka Gedo uu ka geystay aniga waxaan qabaa in maxkamad lagu saaro sharci ah, toddobo bilood ayuu xabsiga igu hayay anoo soo shaqeeyay”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, maxamed Xuseen Rooble wuxuu xilka ka qaaday Madaxa Shaqaalaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Aadan Kulane, iyo Cabdiwahaab Sheekh cali, Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Aadan Cadde.

Arrintaas waxaa sabab looga dhigay in shalay garoonka laga celiyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, oo ku sii jeeday Magaalada Garbohaarrey ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan soo saaray amar ahaa in qof muwaadin Soomaali ah aanan laga celin karin in uu ka dhoofo garoomada dalka. Balse, Gudoomiyihii hore ee Gedo ayaa markale laga celiyay garoonka Muqdisho.

Gudoomiyihii hore ee Gedo, Macallimuu ayaa yiri: “Aniga saaka waxaan aadnay garoonka, anigoo dareemayay in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha ka dib waxaan qaatay in aan qofna la celin karin. Markii meeshii aan galnay, waa nala qabsaday waxaana na lagu dhahay meeshaan lama mari karo.”

“Macallimuu iyo kooxda la socoto ma mari karaan, ayaa na lagu yiri. Waxaan weydiisanay in la caddeeyo cidda na haysata. Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Kulane uu nahaysto”, ayuu yiri, isagoo saxaafadda la hadlay ka dib markii la soo celiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here