R/W Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federal

0
69

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federal isagoo kala hadlay sidii doorashadu u noqo lahayd mid daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dhagaystay warbixino la xiriira heerka uu marayo u diyaargarowga doorashada dalka guddiga doorashooyinka Heer Federal,

Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal.

Sidoo kale guddiga doorashooyinka heer federal waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here