Soomaaliya & Kenya oo ka wada hadlay adkeynta xiriirka Dowladnimo

0
364

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta kula kulmay Magalada Antalya ee dalka Turkiga Xoghayaha Golaha Wasiirrada ee Arrimaha Dibadda  dalka Kenya.

Wasiir Cabdirisaaq iyo . Amb. Raychelle Omamo ayaa waxaa ay kulankooda ku sheegeen kuna celiyeen markale baahida loo qabo in la sii wado dhismaha xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Amb. Raychelle Omamo iga mahad celiyay kulanka, isaga oo sheegay in Soomaliya ka go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa labadii sano ee la so dhaafay xirirkooda waxaa uu ahaa mid sii xumaanayay, hayeeshee labadii todobaad ee la soo dhaafay uu yahay mid soo hagaagayo, waxana Maanta muqdisho soo gaaray Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay khilaafka jira uga maqnaa Muqdisho.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here