Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Waajid Iyo ujeedka Safarkiisa

0
345

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulkaas

Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoona diyaaradaha degmada kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan oo loo diyaariyay.

Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Waajid ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli doonaa Munaasabad lagu caleem-saarayo Guddoomiyaha cusub iyo Golaha deegaanka ee degmadaas oo dhawaan la dhisay.

Sidoo kale inta uu ku sugan Madaxweynaha degmada ayaa waxa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Golaha deegaanka cusub, Odayaasha dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoona Arrimo kala duwan kala hadli doona.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiira Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ka mid yihiin Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Waajid, iyagoona hordhac u ahaa wafdiga Madaxweyne lafta-gareen.

Ammaanka ee guud ee Waajid ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta degmadaas la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed iyo Ciidanka dowldda ee halkaas jooga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here