Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Caawa la kulmay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir {SAWIRRO}

0
372

 

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha Booliska ayaa hoygiisa ku soo booqday Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxaa kulanka sidoo kale goobjoog u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Wadajir Mudane Sayid Cali Macallin Cabdulle, Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Wadajir ahna Xubin ka tirsan hadda Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Wadajir Shadoor Xaaji Maxamuud iyo xubno kale.

U jeedka Kulankaan oo ahaa booqasho ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladdaha guud ee amniga dalka, waxa uuna Taliyaha cudurdaar ka bixiyey xadgudubyadii ay horay u gaysteen Ciidanka Booliska, isagoo ballan qaaday in aysan dib danbe u dhici doonnin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here