Wasiirka Amniga oo ka warbixiiyay shaqaaqadii ka dhacday garoonka Aadan Cabdulle

0
364

 

Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa kulan degdeg ah ka yeeshey shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka.

Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubeey  ayaa sheegay in ay  socdaan baaritan doono ku aadan  shaqaaqadii maantay ka dhacday gudah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in DFS aysan raali ka ahayn shaqaaqada ka dhacday garoonka isla markaana talaabo degdeg ahan ay ka qaadi doonaan cidii ay ku cadaato in ay ku lug leedahay.

“ falkii maantay ka dhacay garoonka waxaa u ahaa mid tabanay shacabka Soomaaliyeed waxaana la sameyn doona baaritan la xiriirah arinkaas, iyadoo wax laga waydiin doono  hay’adaha ay quseyso  dhacdadii maantay dhacday“. Ayuu yiri wasiirka Amniga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here