Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Ciidanki ku dhaawacmay Aw-dheegle & Bariire

0
38

 

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay  booqasho ugu tegey ciidamadii  ku dhaawacmay dagaalkii ay Alshabaab   ku soo qaadeen saldhigyadii ciidamada dowlada ay ku lahaayeen   Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey naftood hurayaasha difaaca dalkooda  u dhaawacmay in Allaah caafiyo oo u booga dhayo.

Intii uu booqashada ku jirey Raisal Wasaare Rooble wuxu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Xoogga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxu dhaawacyada u ballan qaaday in dowladdoodu  hiil iyo hoobaay  la garab taagnaan doonto illaa iyo inta ay ka soo bogsoonayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here