Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka

0
37

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa booqday Dhaawacyada Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku soo dhaawacmay Dagaalki Alshabaab ay kula galeen Bariire iyo Awdheegle .

“waxaad ku dhaawacanteen Difaaca dadkiina , dalkiin iyo diinteenna , naftiina ayaad u hurteen difaaca qaranimada Soomaaliya , Taariikhdana baal-dahab ah ayaad ka gasheen dadkiinana waa idin xusuusan doonaan oo qalbiyadooda kama go’I doontaan”ayuu yiri Wasiir Difaaca Soomaaliya .

Sidoo kale Waxa uu u rajeeyay Caafimaad taam ah , isagoo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka heli doonaan daryeel iyo ka warqab.

Ciidanka Xoogga dalka soomaaliya ayaa Alshabaab  kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen dagaalyahanada alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here