Puntland oo sheegtay in ay dishay 24 xubnood oo ka tirsan Daacish

0
49

 

 

Howgal  qaatay 48-saac oo ay ciidanka amniga Puntland Puntland Security Force  PSF ku qaadeen degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo Ee Buuraha Cal Miskaat oo  hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari ayaa lagu beegsaday goobo ay  Daacish ku sugnaayeen .

Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsanaa ururka Daacish.

Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamada PSF burburiyeen  xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd; isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen  2 gaari  oo ay ku xireen Qaraxyi.

Intii howlgalkani socday waxaa jirey khasaare aad u kooban oo ka soo gaaray ciidamada PSF sida uu sheegay taliska ciidanka Puntland.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here