Maxaa Hakadka Geliyay Shirka dowladda federaalka iyo maamul-gobaleedyada Muqdisho uga socda

0
33

 

 

Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray Shirka horudhaca ah ee looga hadlaayo Ajendaha Shirka doorashooyinka ee ka socda xerada Afisyooni ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa maalinta berri hakad gali doona, waxaana la isku soo laaban doona maalinta tallaadada  si loo sii waddo wadahadallada.

Afhayeenka maamulka Puntland Jaamac Deparaani ayaa beeniyay in uu fashilmay shirka, waxaana uu xaqiijiyay in uu sii socon doona.

“Shirkii hordhaca ahaa ee u socday Madaxda Soomaaliyeed ayaa hadda soo dhammaaday, maanta oo ahayd maalinta labaad waxay Madaxdu ka hadleen Ajandaha Shirka Doorashada iyo arrimaha kale ee taagan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Puntland.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray “Waxay ka wada hadleen qodobada muhimka u ah arrimaha doorashada, sida qabsoomida Shirka Doorashada iyo caqabadaha kale ee ku xeeran, Madaxda ayaa Berito soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah waxayna isu soo laaban doonaan talaatada oo ah 06-da April 2021”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here