DEG DEG:-Qarax Xoog Leh oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
41

Jugta Qarax xoogan ayaa goor dhow waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay meel ku dhow Xarunta degmada Shangaani ee Gobolka.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxa loo adeegsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa isku gadaamay aaga uu Qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidanka dowladda Federaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, isla markaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here