Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle oo Kulan la qaatay qaar kamid ah odiyaasha dhaqanka Hiiraan

0
49

 

 

Madaxweyne  kuxigeenka dowlad gobaleedks Hirshabeelle  Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed  aya xafiiskiisa Magaalada Baladweyne ee Gobalka hiiraan kulan kula qaatay odiyaasha wax garadka dhalinyarada ee Beesha Gaal Jecel

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey.

Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka Beesha Gaaljecel ayaa madaxweynaha u sheegay in aysan raalli ka aheyd isbadal waqtigan lagu sameeyo xubnaha maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee  beel ahaan ku matala Beeshaasi .

Odayasha ayaa Madaxweyne  Ku-xigeenka Hirshabelle ku wargiliyay in xaaladda gobolka oo hadda qalafsan haddii isbadal lasameeyo xaaladda haatan taagan aay ka sii dari doonto.

Baaqa Odayaasha beesha Gaaljecel ayaa ku soo aadaya xilli  la sheegayo in  uu jiro guluf siyaasadeed oo la doonayo in  is badal lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan arintaasi aya waxa dadaal badan ku bixinayaan  xildhibaanno ka tirsan dowlad gobaleedka  Hirshabelle.

Ugu dambeyn yuusuf dab-geed madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle aya Beesha kula dardaarmay in beesha odiyaasheeda dhaqanka & siyaasiyiinteeda ay ka go’aan talada beesha & cida kumataleysa wuxu intaa kusii daray in hada uusan jirin is-badal lagu sameynaayo maamulka gobalka Hiiraan oo madaxdu sheegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here