Wasiirka Amniga Galmudug oo Puntlan ugu Baaqay in Ay Raali gelin kabixiyaan Hadal Kasoo yeeray Wasiirka Cadaalada Maamulkaasi

0
53

Wasiirka Amniga Maamulka  Galmudug, Axmed Macalllin Fiqi ayaa Maamulka Puntland ugu baaqay in ay raali-gelin buuxda ay ka bixiso hadalki Kasoo yeeray Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sh.Xaamud.

Wasiir Fiqi ayaa sheegey in wasiirka Puntland uu u gafay maamullada Galmudug konfur galbed & hirshabelle , uuna ku sheegay tilmaan qaldan Islamarkaana Ubaahan in Sida ugu dhaqsiyaha Badan Raaligelin Laga bixiyo

Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo Hadalkan oo uu soodhigay Bartiisa Facebook Udhignaa Sida Tan’’

”Shakhsiyan isma naqaan wasiirkan, laakin haddii sida lagu sheegay uu yahay wasiirka Cadaaladda PUNTLAND, hadalkiisu uma muuqdo mid mas’uuliyadeed ama mid wasiir cadaaladeed, waa nin kaligiis gartamay, ayna ka muuqato xog-ogaalnimo yari iyo wax xeerin la’aan.

Wasiirka waxaad moodaa inuu degdegey, shirkii masiirka siyaasadda dalka looga hadlayana weli rajo in uu guulaysto ah ayaa la qabaa, hawshaasna waxaa wada hogaanka Galmudug oo amaan iyo bogaadin mudan.

Soomaaliya iyo marxaladda dalku marayo waqtigan la joogo mas’uuliyad ayaa ka saaran cid kasta oo mas’uuliyad dareensan, hadalka wasiirku ku hadlay waa mid u baahan inuu cudurdaar ka bixiyo gefka uu u geystay maamulada dalka ka jira qaarkood gaar ahaan tilmaanta xun ee uu ka bixiyey”

Hadalkan Ayaa Kusoo Aadaya Xilli Wadanku uu Kajiro Qilaaf Siyaasadeed iyo Isfahan darro Kajirta Doorashada Soomaaliya Iyadoona Ay Xusid mudantahay in Shanta Maamul gobaleed Ay ukala Qeybsameen Kuwo Taabacsan DFS iyo Kasoo Horjeeda Lana Safan Mucaaradka iyagoona Ay sameysteen Xisbi Ay Kumideysan yihiin Maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubaland oo Kasoo Horjeeda Siyaasada Dowladda uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo iyo sidookale musharaxiinta Mucaaradka Ah oo ay Kamid Yihiin Madaxweynayaashii Hore ee Dalka iyo Masuuliyiin Xilal kaladuwan Kahaya Dowlada Hada jirta ee Waqtigeeda uu dhamaaday Waxaana Gudoomiye Looga Dhigay xisbigan Loogu magacdaray BADBAADO QARAN Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi C/laahi

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here