Shil Tareen oo Sababay qasaaro dhimasho & dhaawac Badan oo ka dhacay Dalka Masar

0
43

 

 

 

Labo Tareen ayaa waxay isku herdiyeen Degmadda Dahda ee Gobalka Upper Egypt, sida lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Masar.

Shilkaasi oo saakayto dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay qalibmeen Rimoorada ay Labada Tareen jiidayeen, taasi oo sababtay dhimashada, dhaawaca iyo burburka soo gaaray Labada Tareen.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in Tareen nooca Hawo-Qaboojiyaha ama Mukayfka leh oo ka yimid magaalladda Luksar (Luxor) kuna sii jeeday magaalladda Aleskandariya (Alexandria) uu ku dhacay Tareen kale oo ay dad rakaab ah la socdeen, oo ka yimid magaalladda Aswan, kuna sii jeeday caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Labo ka mid ah Rimoorada Tareenada  عربات القطار  (The train carriages) oo ay Rakaab saarnaayeen ayaa la sheegay inuu qalibmay, kadib, markii ay labada Tareen isku dhaceen.

Sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka labo tareen oo aan xoog u socon ayaa waxa 32 qof ayaa ku dhimatay 66 kalana waa ay ku dhaawacmeen shilkaasi  tareen oo maanta  ka dhacay dalka Masar  .

Wasaarada caafimaadka waxay sheegtay in qasaaraha uu intaa ka badan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here