Qarax lagu diley sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga oo ka dhacay Muqdisho

0
48

 

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu la socday sarkaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya xili uu marayay waddo ku taal degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ku dhintey sarkaalkii watay gaariga oo lagu magacaabi jirey Cali Bariise iyadoo ay ku dhaawacmeen askar ilaalo u ahayd sarkaalka.

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka qaaday dhaawacyada askartii waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Qaraxyada la dhigo wadooyinka ayaa ku soo kordhaya magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadaana ay badankood sheegtaan ururka Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here