{Janan} Waxaan dhiseynaa Jubaland loo dhan yahay’

0
41

 

 

 

 

 

 

Wasiirkii hore ee Amiga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur “Janan” oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubaland “uusan horay u ahayn mid loo dhan yahay”.

Hadalkan ayuu Janan sheegay kaddib markii uu heshiis shakhsi ah la galay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Jubaland la isku raacsan yahay oo loo wada dhan yahay, caddaaladdeedana  loo wada siman yahay iyo horumarkeeda marna ma dhicin oo ma jirin, laakiin hadda ayaan ka shaqeyneynaa in Jubaland umadda Soomaaliyeed ee reer Jubaland ay isku raacsan yihiin aan ka shaqeyno,” ayuu yiri c/rashiid  Janan.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xilkii  ka qaaday wasiirkii amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, ka dib markii ay soo baxday in uu la heshiiyay dowladda Federaalka.

Ma jiro wax war ah oo mas’uuliyiinta Jubaland ay kasoo saareen hadalka kasoo yeeray Cabdirashiid Janan, .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here