Madaxweyne Cali Gudlawe oo malinti labaad ka qeybgalay shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka Dalka

0
56

 

 

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalintii labaad ka qeybgalay shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka &  Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga arinsanaayay Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Shirka oo uu shir gudoominaayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo aya waxaa warbixin looga dhageystay Gudiga Farsamada ee Arrimaha Doorashooyinka dalka .

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhan yahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariye 17 Desempar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here