Abiy Axmed oo qiray in xad gudubyo ka dhan rayidka ay ka dhaceen gobalka Tigray

0
36

 

 

Raiisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay qiray in xad gudubyo ka dhan ah dadka shacabka ay ka dhaceen gobalka Tigreega, intii uu dagaalka ka socday gobalkaas

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa arrintaan ka hor sheegay baarlamanka dalkaas  maanta oo talaada ah.

Abiy Axmed ayaa yiri “ waxaa mas’uuliyadda xadgudyadii dhacay qaadan doona askartii geysatay kufsiga ama boobtay hanti shacab”

Xoghayaha Mareynka Anthony Blinken ayaa hore ugu eedeyay dowladda Itoobioya inay xad gudubyo ka sameeyay gobalka tigree-ga inkasta oo Itoobiya gaashaanka u daruurtay eedeyntaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here