Sacuudiga oo ku dhawaaqay xabad joojin cusub ee dagaalka xuutiyiinta Yemen

0
44

 

 

 

Diblumaasiga ugu sareeya Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqay soo jeedin lagu joojinayo dagaalka lixda sano ka socda Yemen, oo ay kujirto dalab xabad joojin iyo heshiis siyaasadeed oo lala galayo fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto.

Boqortooyada ayaa sheegtay in ay u hogaansameyso xabad joojinta ay UN-ka hore ugu dhawaaqday taasoo lala galayo fallaagada Xuutiyiinta haddii kooxdaasi ogolaato qodobada hindisaha.

Ku dhawaaqista ayaa imaaneysa iyadoo isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ay xoojiyeen duqeymaha cirka ee Yemen todobaadyadii la soo dhaafay, waxayna garaaceen tobanaan bartilmaameed oo ay ku jiraan caasimada Sanca iyo dekedda ku taal xeebta Badda Cas.

Falaagada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale kordhisay weerarada ay ku hayaan Sacuudiga bilihii lasoo dhaafay, iyagoo bilaabay ku dhowaad maalin walba diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo gantaalada ballistic-ga ee lala beegsanayo garoomada diyaaradaha, xarumaha militariga iyo xarumaha muhiimka ah ee saliida.
Hindisaha Sacuudiga ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee xabad joojin lagu kala dhex dhigo dhinacyada ku dagaalamaya Yemen.

Mid ka mid ah saraakiisha Xuutiyiinta ayaa ku gacanseyray hindisahan isagoo ku tilmaamay mid aan dhab ahayn sida ay sheegtay wakaaladda wararka Al Masirah ee ay leeyihiin Xuutiyiinta.

Af-hayeenka Xuutiyiinta Mohamed Abdel Salam ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in heshiis kasta ay tahay in wax looga qabto xayiraada cirka iyo badda ee Sucuudiga.

Baaritaano la sameeyey dhowaan ayaa lagu ogaaday in hal markab oo shidaal ah uusan awoodin inuu ku xirto dekedda waqooyiga Yemen ee Xudeyda sanadkaan sababo la xiriira xayiraad ay saareen maraakiibta dagaalka ee Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee Iiraan la safan ayaa gacanta ku haya waqooyiga Yemen, oo ay ku jiraan caasimada Sanca iyo Xudeyda, waxayna tan iyo sanadkii 2015 dagaal kula jireen xulafada militariga ee uu hogaamiyo Sacuudiga.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horaantii sanadkan ku dhawaaqay in Mareykanku uu joojinayo taageerada howlgalada duulaanka Sacuudiga ee Yemen, talaabada ay ku tilmaameen sharci dajiyayaashu mid taariikhi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here