Xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan gobolka Sanaag

0
40

Xiisada dagaal ayaa waxaa ay u dhaxeeysa Ciidamo ka tirsan Soomaliland  & maleeshiyaad hubeysan, waxaana ay saaka ka taagan tahay degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag, halkaas oo shalay maleeshiyaadka ay ku dagaalameen.

Dagaalkii labada dhinac ku dhex-maray degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa lix Ruux  oo isugu jira dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Xiisada ayaa waxaa la sheegay inay salka ku heyso dhul ballaarsi iyo macdan qodis Somaliland ka waddo Shidan iyo nawaaxigeeda, taas oo ay ka horyimaadeen maleeshiyaad degaanka ah oo kasoo jeeda dhinaca Puntland.

Wararka saaka laga helayo degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisada, isla markaana Bulshada ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Badda Puntland & maleeshiyaad degaanka Shidan ee waqooyiga Gobolka Sanaag ayaa ah mid dhowr jeer degaankaas ka dhacay, iyaga oo khilafkoda ugu badan uu yahay macdan qodis.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here