Maamulka Hirshabelle oo Daah furay Mashruuc Maalgelin loogu sameenayo Dhalinyarada Kunool Jowhar + SAWIRRO

0
50

Maamulka Hirshabelle, ayaa maanta magaalada Jowhar, ka daah furay tababar ujeedkiisu yahay mashruuc maalgelin ah oo loo sameenayo dhalinyarada magaalada Jowhar,

Tababarka oo socon doona muddoo 5 maalmood ayaa dhalinyarada waxaa lagu barayaa hal abuur ganacsi oo guuleysta si ay kaga faa’ideystaan maalgelinta ay usameyneeso hay’ada IRISE,

Furitaanka tababarka wxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle, waasiir kuxigeenka wasaarada qorsheynta iyo maalgeshiga Hirshabelle, gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe duqa magaalada Jowhar, taliyaha saldhiga booliska Jowhar, gudoomiyaha degmada, iyo qaar ka mid ah kuxigeenadiis

Ugu Horeyn Waxaa Furitaanka Tababarkan Kahadlay Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan Iyo Qaar Kamid Ah Xildhibaanada Dowlad Gobaleedka Hir-shabeele iyo Maamulka Degmada Iyagoona Umahad Celiyay Hay’adda IRISE, oo Hal abuur ganacsi Usameeneysa Dhalinyarada Kunool Magalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeele

Tababarkan Ayaa Noqonaya Midkii Ugu Horeeyay ee Laga Furo Jowhar iyadoona dhalinyarada  lagu barayo hal abuur ganacsi oo guuleysta si ay kaga faa’ideystaan maalgelinta ay usameyneeso hay’ada IRISE,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here