Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee dowladda Soomaaliya oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19

0
51

Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan Magaalada Hugeu ee dalka Holland ayaa laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19

Yuusuf Garaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in saakay baaritaan Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay Cudurka COVID-19, xili uu doonayay inuu ka dhaafo dalka.

Waxaa uu sheegay Yuusf Garaad in xiligaan aysan ka muuqdan wax Astaamo ah oo uu leeyahay Cudurka, hayeeshee baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu haleeyay Cudurka, uuna ka baaqday Safarkiisa.

“Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid.
Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray.
Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday. Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf.

Sidoo kale waxaa Qoraalkiisa ku caddeeyay in Urka iyo dhedhenkana u wanaagsan yihiin, isla markaana xaaladda Caafimaad ay wanaagsan tahay, uuna galay xaalad karantiil ah.

Yuusuf Garaad ayaa kamid wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee uga qeyb galay dhageysiga Dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee lagu soo gaba-gabeeyay Maxkamadda ICJ.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here