Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo amar ku bixiyay in bangiyada ay qaataan 50ka Dollar

0
391

Qoraal ka soo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar lagu siiyey bankiyada iyo ganacsatada inay socodsiiyaan isticmaalka lacagta $-50ka ah oo maalmihii ugu dambeeyay laga diiday dalka Soomaaliya.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa la diidayay lacagta kontonka dollar oo la sheegay in lacag been abuur ah oo kontonka dollar ay soo gashay dalka Soomaaliya.

Dad badan oo haystay lacagta kontonka dollar ayaa maalmihii u dambeeyay walaac soo foodsaaray.

Go’aanka ka soo baxay Bangiga Dhexe ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu la kulmay madaxda bangiyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso amarka ka soo baxay Bangiga Dhexe,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here