Taliyaha CXD oo kormeer Kusameeyay xarunta AMISOM ee Beladweyne “SAWIRRO”

0
58

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowa Yuusuf Ragge oo uu wehliyo Taliyaha AMISOM ayaa kormeeray xarunta AMISOM (sector four) oo xarun ku leh magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahayd xog-wareysi uu la yeeshay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo sidii loo dardar gelin lahaaa howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga iyo cidamada AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada xoogga ku booriyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka, waxaana uu kula dar daarmay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo dhanka kale xarunta AMISOM kula kulmay ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Beladweyne.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here