Jubbaland Iyo Puntland Oo War Kasoo Saaray Heshiiskii Ay Gaareen Dowladda Iyo Musharixiinta

0
47

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweynaysay heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysay in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay u rajaynaysay Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.

Dhanka kale maamul Goboleedka Jubbaland ayaa isna soodhweeyay heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021.

“Dowlad Goboleedka Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray  Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Jubbaland.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here