Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynuhu: Markuu arkay;awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka
Wuxuu u magacaabay saraakiishan;
- G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug
- G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug.
Ugu danbayntii, waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.