Musharaxiin Laga Hor Istaagay Inay Degaan Hotel Ku Dhow Madaxtooyada Somalia

0
32

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay la weereeg Hoteel ay dagi lahaayeen qaar ka mid Musharixiinta Mucaaradka ah, wxaana  Hoteelku uu ka ag-dhawyahay Madaxtooyada.

Warar hoose oo ay heshay Dalsan ayaa ku warramaya Musharixiinta kala ah Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ay doonayeen in ay dagaan Hoteel SYL oo aan ka fogayn Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ka hor tagtay tallabadasi, waxaana Ciidamo ay ku daadisay Hoteelka iyo aga-gaarkiisa, waxaana la arkayaa Ciimado farabadan oo ilaalo ka haya Hoteelka iyo dhammaan waddooyinka soo gala iyadoo la sheegayo in qorshihii Madaxda Mucaaradka ahi uu meesha ka baxay.

Madaxda Mucaaradka ah ayaa waday tan iyo xalaya qorshe ay kaga ag-dhawaanayaan goobta la filayo in bannaanbaxu ka dhaco ee taalada Daljirka, waxaana xalay hotel u dhaw Madaxtooyada soo dagay Madaxweynayaashii horee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ugu dhawaaqday in aan la ogolayn isku imaatinka dad weynaha, waxaana taasi ay u muqataa mid caqabad ku ah qorshaha Musharixiinta ee ah in bannaanbax uu dhaco, iyadoo Musharixiintu ay sheegeen in aysan u joojin doonin bannaanbuxuna uu dhacayo maalinimada berry ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here